Mahadaay (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Mahadaay ee Gobola Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in goor dhaw oo  duhurnimada maanta ah uu Dagaal dib uga qarxay deegaanka Ciid-Ciidka ee ku dhaw Magaalada Mahadaay.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Macawileyda ayaa la soo sheegayaa inay Alshabaab ugu galeen howdka deegeenka Ciid-ciidka halkaasoo ay mudo ku go’daansan yihiin.

Advertisement

.

Gaashaanle Sare Cumar Cali Caddow ayaa u sheegay TV-ga Qaranka inay Alshabaab ka burburiyey Godadkii ay kaga dhuumanayeen howdka Deegaanka Ciid ciidka ee gobolka Shabeellada dhexe.

Sarkaalkaan wuxuu intaasi ku daray in alshabaab awalba ku go’doonsanaayeen 3KM waxaan dhameyn hadana ay ku soo hareen 1KM.

“god wayn oo mee ay ka baxaana u leh ayay ku soo hareen mana ila aha inay galabta nala dhaafeyso soo afjarida kooxdaan”ayuu mar kale yiri Gaashaanle Sare Cumar Cali Caddow.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXukunka waayeelkii loo Dilay Dhaxal aan lagu lahayn.
Next articleMadaxweynaha Mareykanka “In ka badan 1,000 rayid ah ayaa la gowracay, lama dilin kaliya, waa la gowracay – gudaha Israel”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here