Maxaas  (dayniiile.com)-Dagaal Xooggan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay Magaalada Maxaas ee  Gobolka Hiiraan kaasoo u dhexeeyay Macawisleyda Beesha Xawaadle iyo Milatariga Dowlada Soomaliya.

Dagaalka oo galabta bilowday ayaa la sheegay inuu Caawa soo gaaray waxaana uu ka bilowday markii ciidamada Milatariga ay dileen qof ka mida dadka deegaanka oo shacab ahaa taasoo ay ka xanaaqeen Macawisleyda Beesha Xawaadle.

Advertisement

Wararka aan intaas ku daraya in dagaalkaasi uu sababay dhimashada dhowr ciidan oo ay iska kala dileen labada dhinac.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa sheegay inay ku guuleysteen joojinta dagaalka ayna baarayaan wixii keentay dagaalka.

“si kadis ah ayuu ku qarxay dagaalka waxaana ku guuleysanay inaan joojino”ayuu yiri Gudoomiyaha Maxaas oo la hadlaayay Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga.

Mar wax laga weydiiyay tirada dhimashada ayuu Gudoomiyuhu sheegay inuusan wali xisaab saxa heyn balse wuxuu xaqiijiyay in dhimasho iyo dhaawacba jiraan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here