Dagaal isku hor imaad ah oo ka dhacay magaalada boosaaso

Magaalada Boosaaso, Rasaas xoogan baa ka dhacaysa, taasoo u dhaxaysa koox shirkadeed iyo koox taabacsan Madaxweynaha maamulka Puntland Mr.Deni.

Waxgaradka Boosaaso oo aan khadka taleefanka kula xidhiidhay waxay sheegeen in sababta iska hor imaadku salka ku hayso, kadib kolkii Madaxweyne Deni, warqad uu qoray kusiiyey Qandaraas koox ganacsato ah oo Senator Faroole wato, Qandaraaskaasi oo hore loo siiyey Shirkadda lagu magcaabo PDG ayna in mudo ah ku shaqaynayeen, kaasoo ah qandaraaska loogu adeego Ciidamada imaaraatku ku haysto duleedka Boosaaso ee shirkada .

Waxaa Puntland kasocota, is kooxaysi xoogan oo salka ku haya qab-dhaqanka nidaamka meesha ka jira; kasoo uxilanaya u xaglinta danta koox gaar ah oo lagu magcaabo Aaran_Jaan kuwaasoo Caaqilkoodu yahay Senator Faroole.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iminka xabado yar yar oo googoosa marka laga reebo, ay yaraatay maqalka dhawaaqa hubkii kolkii hore laysku ridayey.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064