Dagaal ka dhacay deegaan hoostago Puntland

0

Ciidamo ka wada tirsan Puntland ayaa maanta oo Jimce ah ku dagaallamay Garoonka Diyaaradaha magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Goob-joogayaal ku sugan Degmada Badhan ayaa ku soo warramaya in rasaas culus oo laba dhinac ka dhacaysa laga maqlay gudaha Garoonka Diyaaradaha Badhan inkastoo aan weli xog sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Labada Ciidan oo dagaallamay waxaa mid kood ka amar qaataa Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil halka Ciidanka kale uu ka amar qaato nin sarkaal ah oo lagu magacaabo Col. Cintile.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay dagaalkaas iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay.

Wariye Maxamed Rooraaye

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here