Wararka ka imaanaya saakay Degaanka  Gaaragoyle oo 15KM u jirta Deegaanka Gadoon ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in xaalka uu saakay dagan yahay, kadib dagaal shalay ka dhacay halkaas.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la sheegay inay isku heystaan dhul galkaasi ku yaal, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in uu jiro khasaaro soo kala gaaray labada dhinaca ee dagaalamay.

Sidoo kale Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in in kastoo uu muddo kooban dagaalka socday weli degaanka Gaaragoyle lag dareemayo xiisad u dhaxeeysa maadaama ay wlei ishor-fadhiyaan.

 

Office Nairobi Kenya

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here