Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Hilowle Gaab oo hoostaga degmada Runil-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billaawday oo dhowr jiho ah ku qaadeen degaanka, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in dagaalka leysku adeegsanayo hubka noocyadiias kala duwan, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka.

Isgaarsiinta degaanka degaanka ayaa muddo saacado ah hawada ka maqneyd, taas oo keentay in la ogaan waayo xaaladda dhabta ah ee kajirta degaanka iyo khasaaraha guud ee ka dhashay weeraraka Al-Shabaab.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerarka kula wareegeen degaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabeellaha Dheex, balse Ciidamada dowladda oo gurmad helay ay dib ula wareegeen degaanka, waxaana jira khasaaro qaraxyada ka soo gaaray Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka eek u sugan degaanka Hilowle Gaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here