Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo Beeleed uu Maanta ka dhacay duleedka degaanka Ilix oo hoostaga degaanka Ceeldheere ee duleedkamagaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa salka ku haaya Arrimo la xariira muran dhuleed isagoona markii danbe isku badalay gacan kahadal toos, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Advertisement

Goobjoogayaal ayaa sheegay in aryanka hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac laga maqlayay magaalooyinka Guriceel iyo Dhusamareeb.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Mas’uuliyiin katirsan laamaha Amniga magaalada Dhuusamareeb oo dagaalka ku baxay, iyagana la rasaaseeyay, waxaana weli Goobihii lagu dagaalamay laga maqlayaa rasaas xoogan.

Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin colaadaan kasoo cusbonaatay degaanno hoostaga magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalka uu kusoo aadayaa xilli Maanta ay tahay Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo.

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in laga hortago weerarada Al-Shabaab & musuq maasuqa
Next articleXisbiga Waddani oo sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu wali yahay gudddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland 18 Shares facebook sharing buttontwitter sharing buttonlinkedin sharing buttonmessenger sharing buttonwhatsapp sharing button

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here