Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbalandgaar ahaan kuwa daraawiishta ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Bar-koontorool oo Ciidamada jubbaland ku leeyihiin deganka Singaleyr ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana warar lagu daabaay Baraha Internet-ka ee taageera lagu sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Barta Koontorool lagu dhaawacay  hal Askari oo Magaciisa ay ku sheegeen Deeqoow.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli wax faah faahin ah dagaalkaas kama bixin, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here