Dagaalka oo ahaa mid xooggan una dhaxeeyay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamadda Nabadsigida Jubaland ayaa xalay ka dhacay demada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Ciidanka NabadSugidda Jubbaland ay ku lee yihiin degmada Dhoobley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.

Dadka degmada Dhoobleey qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa hub culus oo dhinacyadu iswaydaarsanayeen, sidoo kalena uu jiro khasaaro kasoo gaaray labada dhinac dagaalka.

Saraakiisha kala duwan ee CiidamadabJubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalka degmada Dhoobleey, hayeeshee Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraray Saldhigyada Ciidamada Jubbaland iyo kuwa kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degmadaasi Dhoobleey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here