Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka Cabdalla Biroole ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka degaanka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay degaankaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhiga ay ku sugan yihiin la weeraray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here