Dagaal ka dhacay Magaalada Laas-Caanood & faah faahino laga helayo

Facebook
Twitter

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo xalay duleedka Magaalada Laas-Caanood ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad degaanka ah.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka degaanka ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada Somaliland kuleeyihiin Bariga iyo Koonfurta Magaalada Laas-Caanood.

Goobjoogayaala ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in mid kamid ah Saldhigyada la weeraray meel u dhow in uu degan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo maalmahaan ku sugan Gobolka Sool.

Xaaladda Magaalada Laas-Caanood ayaan weli cagabadan ku taagneyn, waxaana Maalintii Afaraad gacanta ku haaya maleeshiyaadka degaanka ee ka saaray Ciidamada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here