HomeWarkiiDagaal ka dhex-qarxay Pakistan iyo Afgaanistaan iyo wararkii ugu danbeeyay

Dagaal ka dhex-qarxay Pakistan iyo Afgaanistaan iyo wararkii ugu danbeeyay

A Pakistani army tank stands at the Pakistan-Afghanistan border in Chaman on February 27, 2026, following overnight cross-border fighting between the two countries. Pakistan bombed major cities in Afghanistan including the capital Kabul on February 27, with Islamabad's defence minister declaring the neighbours at "open war" following months of tit-for-tat clashes. AFP journalists in Kabul and Kandahar heard blasts and jets overhead, as Pakistan launched air strikes on the Afghan capital and southern power base of the Taliban authorities. (Photo by Abdul BASIT / AFP)Dagaal toos ah ayaa ka dhex qarxay ciidamada Milateriga labada dal ee Pakistan iyo Afgaanistaan kadib markii ciidamada daalbaan Afgaanistaan ay weerar ku qaadeen ciidamada Pakistan ee ku sugan xuduuda labada Dal.
Taliska Milateriga Afgaanistaan ayaa  ku doodaya in weerarka ay qaadeen ay kaga jawaabayaan duqeymo xaga cirka ah oo Pakistan ay ka geysatay asbuucii hore gudaha dalka Afgaanistaan sida gobollada Nangarhar iyo Paktia ee gudaha Afgaanistaan,waxaa soo kordhaya dhimashada askarta labada dal iyo sheegashooyinka labada dhinac.
Wararka ugu danbeeya ayaa sheegaya in ciidamada cirka Pakistan duqeymo ka gaysanayaan magaalooyin ka tirsan Gobolada Afgaanistaan iyagoona si gaar ah u bartlmaameedsanaya xerooyin ciidan xili muuqaalo kaga soo duubay duqeymaha lagu baahiyay baraha bulshada.
Labada dal waxay kala sheegayaan ciidamo ay iska dileen war ka soo baxay dhanka Pakistan waxaa lagu shaaciyay inay dileen 133 askari oo Afgaanistan kuwaasoo sida ay sheegeen soo weeraray saldhigyada ciidamadooda ee xuduuda,sidoo kale war ka soo baxay Afgaanistan ayay iyaguna ku sheegteen inay dileen ilaa 54 askarta Pakistan ka mid ahaa.
Si kastaba dagaalada labada dal waxaa ka dhashay in diyaaradaha dagaalka Pakistaan duqeeyeen saacadihii ugu danbeeyay Caasimada Afgaanistan ee Kapul.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMAfghan Taliban fightersTaliban security personnel stand guard near the Torkham border crossing between Afghanistan and Pakistan in the Nangarhar province on February 27, 2026. Pakistan bombed major cities in Afghanistan including the capital Kabul on February 27, with Islamabad's defence minister declaring the neighbours at "open war" following months of tit-for-tat clashes. AFP journalists in Kabul and Kandahar heard blasts and jets overhead, as Pakistan launched air strikes on the Afghan capital and southern power base of the Taliban authorities. (Photo by Aimal Zahir / AFP)
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -