BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Dagaal ayaa maanta dib uga bilowday Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo kaasoo u dhexeeya ciidamada Dowlada Faderaalka Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii reer Jubaland weerar ku qaadeen xerada ciidamada Dowlada ee UK loo yaqaan halkaasoo ay ku sugan yihiin C/rashiid Janan iyo saraakiisha kale ee ciidamada Dowlada Somalia waxaana dagaalka maanta la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Wararkii ugu danbeeyay oo aan ka heylno dagaalka ayaa sheegaya in dagaalku markii la is fara saaray ay durba horumar ka sameeyeen ciidamada Dowlada taasoo keentay in furumaha hore ee magaalada Baladxaawo ay la wareegaan ciidamada Dowlada iyadoo goobahaasi maamihii danbe ay joogeen ciidamada Axmed Madoobe.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada C/rashiid Janan ay inta badan magaalada Balad-xaawo ku soo faafeen markii ay ka eryeen kuwa maamulka Jubaland oo labadii maalin ee u danbeysay la arkayay iyagoo la wareegaya xarumihii Dowlada ee Balad-xaawo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
