Wararka naga soo gaaraya degaano hoostaga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerar ku qaadeen degaannada Tabantaab iyo Maxamed Xasan oo Beledweyne hoostaga isla markaana dhaca Koonfurta  Beledweyne.

Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay inay ka warheleen in Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo gudbay dhinaca Wabiga ay degaannadas isku aruursanayaan si ay weeraro u fuliyaan balse ay iyagu weerareen.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda degmada Beledweyne Cabdiraxmaan Diini Maxamed oo kamid ah mas’uuliyiinta hoggaaminayo howlgallada ayaa sheegay inay khasaaro xoogan weerarka ku gaarsiiyeen A-Shabaab, sidoo kalena degaannada lagu dagaalamay ay soo gaari doonaan Ciidamo kale oo gurmad ah.

Wararka laga helayo degaannada Tabantaab iyo Maxamed Xasan ee Koonfurta magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu weli socdo. Isla markaana dhinacyada ay helyaan gurmadyo kala duwan oo u imaanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here