MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dagaal Khasaare badan  sababay ayaa xalay dhex maray daraawiishta Koonfur-galbeed iyo Alshabaab.

Dagaalkaan oo ka dhacay duleedka Waqooyi ee Magaalada Baydhabo ayay guul ka sheegteen dhanka Koonfur-galbeed.

Advertisement

Sida warbaahinta Dowlada Somalia baahisay Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur galbeed ayaa laayay tiro ka mida kooxda Alshabaab oo weerarka soo qaaday.

Alshabab ayaa dagaalka sabab u ahaa markii ay weerareen saldhiyo ciidamada daraawiishtu ku lahaayeen duleedka Magaalada Baydhaba ee xarunta Maamulka Koonfur-galbeed.

Ciidanka la weeraray ayaa la sheegay inay ka war heleen dagaalka ku soo wajahnaa kadibna iska caabin xooggan ayay kala hortageen, iyagoona fashiliyay qorshihii Alshabaab sida la sheegay.

Saraakiisha Hogaamineysay ciidamada Daraawiishta Koonfur galbeed ayaa u sheegeen warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed inay Alshabaab dagaalki  xalay kaga laayeen dagaal-yahanadooda qaarkood ayna fashiliyeen weerarkaasi.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxamed Xuseen Rooble oo gurigiisa lagu sharfay inuu ku qaato kaarka aqoonsiga Qaranka aqoonsiga Qaranka
Next articleMaxay ka wada hadleen Madaxweynayaasha Somalia iyo Talyaaniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here