Dagaal udhaxeeya Laba Horjooge oo kawada tirsan Alshabaab ayaa ka socda degaanka Biyo oo u dhexeeya tuulada Burujeed iyo Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka barujeed ayaa ku waramaya in ay maqlayaan dhawaqa hubka kooxdu isku adeegsaneyso waxaana dagaalka ka dhashay khasaare xooggan oo cadowga kala gaaray.

Advertisement

Dagaalka ayaa ka dhashay khilaaf salka ku haya dagaalkii maalmo ka hor Khawaarijtu ku qaadday Barujeed oo horjoogihii Maleyshiyaadka xukumayay oo guriceel ka soo jeeda uu diiday inuu weerarkaas qaado isla markaana xabsiga la dhigay.

Saddex horjooge iyo maleyshiyaad fara badan ayaa wararku xaqiijinayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen in kastoo aan wali magacyadooda la helin.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Faah faahinta halkaan ayaad kala socon doontaan.

Previous articleMadaxweynaha oo ku laabtay Dhuusa-mareeb
Next articleRoob ka da’ay Gobolka Gedddo oo sababay barakaca kumanaan qoys+Sawiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here