Saakay waabarigii hore waxaa Magaalada dhuusamareeb ka billowday dagaal goos-goos kaas oo Xubno taabacsan Sheikh Mohamed Shaakir Cali Xasan ay ku soo qaadeen magaalada dhuusamareeb.

Ciidanka dowlada oo awal heegan xooggan uga jirey ineey iska difaacaan dagaal kasta oo uga yimaada ahlusunna ayaa dagaal qaraar kala hortegey Ciidanka taabacsan Ahlusunna.

Ahlusunna ayaa saakay qabsaday goobo muhiim ah inkastoo dib looga saaray goobaha qaar balse haatan waxaa magaalada iskula jira Dhinacyadii dagaallamay.

Dhimashada ku dhowowaad 10 ruux ayaan xaqiijinnay oo qaar kamida ay yihiin dad shacab ah halka qaarka kalana ay yihiin dhinacyadii dagaallamay.

Dadka shacabka ayaa waxaa guryahooda ugu tegey Hubka nuucyadiisa cul-culus.

Jab leesku jabay maahee guul lagama dhaxlin dagaalka balse dhinacyada ayaa baahiyey sheegashooyin aan iyaga dhaafsanayn.

Dhowr muuqaal oo lasoo duubey ayeey dhinacyadu sheegteen guullo kala duwan.

Dhinacyada ayaa haatan sugaya gurmadyo ay kusii xoojiyaan dagaalka.

Sawirada idiin muuqda waa qaar kamida dadka ku dhintay dagaalka labada dhinac iyo qaar dhaawacooda lasoo tebiyey.

Wixii soo kordha halkaan kala soco.

Xigasho dhoore salaad dhoore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here