Ciidamada Afgaanistaan ​​iyo Pakistan ayaa rasaas culus isku weydaarsaday xadka ay wadaagaan, iyadoo xiisadda u dhaxeysa dalalka dariska ah ee Koonfurta Aasiya ay cirka isku sii shareereyso ka dib markii wadahadal nabadeed oo ka dhacay Sacuudi Carabiya ay ku guuldareysteen inay wax natiijo ah ka soo saaraan.
Saraakiisha labada dhinac ayaa sheegay in iska horimaadku uu dhacay xilli dambe oo xalay ah, iyadoo labada dal ay midba midka kale ku eedeeyeen inuu markii hore rasaas furay.
Qoraal uu soo dhigay X, afhayeenka xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ay “weeraro ku qaadeen” degmada Spin Boldak ee gobolka Kandahar, taasoo keentay in ciidamada Afghanistan ay ka jawaabaan.
Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in ciidamada Afgaanistaan ​​ay “rasaas aan laga fiirsan” ka fuliyeen xadka Chaman.
“Pakistan waxa ay wali si buuxda u feejigan tahay waxayna ka go’an tahay xaqiijinta madaxbanaanida dhulkeeda iyo badqabka muwaadiniinteena,” afhayeen u hadlay Mosharraf Zaidi ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Dadka ku dhaqan dhanka xuduuda Afgaanistaan ​​ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in rasaasta la is weydaarsaday ay dhacday abaaro 10:30pm xiliga gudaha dalka Afganistan,waxana uu socday ku dhawaad ​​labo saacadood.
Ali Mohammad Haqmal, oo ah madaxa waaxda warfaafinta ee Kandahar, ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Pakistan ay ku weerareen “daaficyo fudud iyo kuwa culus” iyo in madaafiicdu ay ku dhaceen guryo rayid ah.
“Isku dhacyadii waa la soo afjaray, labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in la joojiyo,” ayuu raaciyay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Xidhiidh adag
Xiriirka Afgaanistaan ​​iyo Pakistan ayaa xumaaday tan iyo markii Taliban ay dib ugu soo laabatay xukunka 2021, taasoo ay ugu wacan tahay eedeymaha Islamabad ee ah in Kabul ay gabaad siiso dhowr kooxood oo hubeysan, oo ay ku jiraan Pakistan Taliban (TTP).
TTP ayaa tan iyo 2007-dii waday olole joogto ah oo ka dhan ah dowladda Pakistan, waxaana inta badan lagu tilmaamaa mataan fikradeed ee Taliban Afghanistan. Ugu dambeyn, Arbacadii, weerar jid-gal ah oo ka dhacay Pakistan meel u dhow xuduudka Afgaanistaan, oo ay sheegatay TTP ayaa lagu dilay saddex askari oo ka tirsan booliiska Pakistan.
Pakistan waxa ay sidoo kale ku eedaysay Afgaanistaan ​​in ay gabaad siiso ciidamada xoraynta Balochistan iyo ISIL/ISIS maxalli ah oo taabacsan ISKP – in kasta oo ISKP uu yahay cadow dhaar ah oo ka tirsan Talibanka Afgaanistaan.
Talibanka Afgaanistaan ​​ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay,iyaga oo sheegay in aan lagu qaadi karin mas’uuliyadda amniga gudaha Pakistan,waxana ay Islamabad ku eedeeyeen in ay si ula kac ah u faafisay warar khaldan iyo in ay kicineyso xiisada xadka.
Toddobaad dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay xadka ay wadaagaan ayaa qarxay bishii Oktoobar, ka dib markii Islamabad ay dalbatay in Kabul ay awood u yeelato dagaalyahannada kordhinaya weerarada Pakistan.
Ku dhawaad ​​70 qof ayaa lagu dilay labada dhinac ee xadka, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay ka hor inta aysan mas’uuliyiinta Afghanistan iyo Pakistan ku saxiixin heshiis xabbad-joojin ah caasimadda Qatar ee Dooxa 19-kii Oktoobar.
Heshiiskaas, si kastaba ha ahaatee, waxaa daba socday wada-hadallo aan natiijo lahayn oo ay marti-gelinayeen Qatar, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya oo looga gol lahaa in lagu xoojiyo xabbad-joojin waqti dheer ah.
Wadahadalladii u dambeeyay ee ka dhacay Sacuudiga todobaadkii hore, ayaa ku guuldareystay inay wax natiijo ah ka soo baxaan, inkastoo labada dhinac ay ku heshiiyeen inay sii wadaan xabad joojintooda jilicsan.
Inkastoo xabbad joojinta, Kabul waxay ku eedaysay deriskeeda inay qaaday duqeymo isdaba joog ah oo xagga cirka ah oo ka dhacay gobollada bari ee Afgaanistaan ​​toddobaadyadii la soo dhaafay.
Hal weerar ayaa lagu soo waramayaa in militariga Pakistan ay ku qaadeen guri ku yaala gobolka Khost ee koonfur bari Afghanistan dhamaadkii bishii November ayaa la sheegay in lagu dilay sagaal caruur ah iyo qof dumar ah. Pakistan waa ay beenisay in ay fulisay weerarkaas.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
