BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Balad-xaawo ayaa sheegaya in maanta mar kale uu halkaasi dagaal ku dhex-maray ciidamada Dowlada Faderaalka iyo kuwa Maamulka Jubaland oo shalayna sidaas oo kale ugu dagaalameen.
Dagaalka maanta oo ahaa mid aan sidaas u weyneyn ayaa waxaa la soo sheegayaa inay dadka deegaanku ku guuleysteen inay labada dhinc soo kala dhexgalaan si shacabka loo bad-baadiyo,dagaalka waxaa ku dhaawacmay hal askari oo Jubaland ka tirsan.
Wararka ugu dambeeya ee Baladxaawo laga helaayo waxay sheegayaa in ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubaland ay meelo badan oo magaalada ah isku hor fadhiyaan lagana cabsi qabo saacad kasta inuu dagaal ka dhex qarxo.
Dhanka kale waxaa socdo isku hub urursi iyo gurmadyo dhinacyada kala gaaraya iyadoo dhinac kasta uu doonayo inuu isaga u haro gacan ku heynta Magaaladda Balad-xaawo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
