Waxaa saaka dagaal xoogan uu ka dhex qarxay Maamulka Somaliland iyo SSC Qaatumo kaasoo labada dhinacba uu ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Inkastoo dagaalka oo ka dhacay degaan lagu magacaabo Buqdharkeyn aan laga heyn fahfaahin ku saabsan warar madax banaan ayaa hadana waxaa war ka soo baxay dhanka Qaatumo kuwaasoo guulo ka sheegtay dagaalka.

Advertisement

Qoraalka ka soo baxay SSC qaatumo ayaa sidan u qornaa:-

Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen Degmada Yeyle iyo Goobihii ay ku sugnaayeen waftigii Nabadayntu. Weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya.
Ciiddammada xaq-u-dirirka ee difaaca SSC-Khaatumo ayaa si geesinnimo leh uga
Hortegay weerarkaas fulaynimada ah, islamarkaana ku guulaystay in ay dib ugu celiyaan goobihii ay ka soo duuleen.
Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo aanu Saxaafadda u soo bandhigi doonno.
Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Shacabka weynaha iyo Ciiddammada Difaaca SSC-Khaatumo in ay u diyaar-garoobaan difaaca deegaankooda iyagoo aan cidna duullaan ku ahayn.
Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay. Balse Maamulka Muuse Biixi ay ka go’antahay in ay dhacaan colaado iyo dagaallo daba-dheeraada.
Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so
Previous articleMucaaradka Dowlada oo xamar isku balansaday iyo ujeedkooda
Next articlelabada Gudoomiye Baarlamaan oo wada-jir u magacabay gudiyada Sxb-tinimada dhowr dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here