AFGOOYE (DAYNIILE.COM)- Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in aaga deegaanada Sabiib iyo Caanoole uu saaka ka dhacay dagaal aad u culus kaasoo u dhexeeyay cidamada Xoogga iyo kuwa Alshabaab.
Deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo marar badan ay alshabaab soo galeen waxaa hada gacanta ku haya ciidamada Xoogga Somalia balse banaanka deegaanadaasi ayaa saaka la isku helay xili ciidamada Dowladu howlgalo amni ka wadeen.
Wararka ayaa tilmaamaya in Ciidamada Dowladu ay si kadis ah uga war heleen Alshabaab dhinac ka jooga deegaanadii howlgalka ay ka wadeen kadibna iska hor imaadka sidaas ku qarxay ayaa saaka qaatay saacado.
Saraakii u hadashay dhanka Dowlada ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ,sidoo kale waxay sheegteen inay alshabaab badan dagaalka ku dileen walow warar madax banaan aan wali laga helin aagaasi la isku farasaaray madaama ay adag tahay warbaahintu inay halkaasi gaaraan/.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
