MOQAKORI (DAYNIILE.COM)-Dagaalkii ugu cuslaa islamarkana ugu waqtiga badnaa ayaa maanta ka dhacay xadka Gobolada Hiiraan iyo Sh.dehxe kaasoo u dhexeeyay Dagaalamayaasha Alshabaab iyo macawisleyda reer Hiiraan.
Dagaalkaan wuxuu socday in ka badan 10 saacadood, wuxuu soo bilowday saaka aroortii wuxuuna soo gaaray galabta xili labada dhinac isku riiqmeen islamarkaana aan waxba la isu reeban hadey hub tahay iyo hadii ay gurmadyo tahayba.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Alshabaab weerar ku soo qaadeen deegaanka mubaax ee xadka hiiraan halkaasoo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada Dowlada iyo mcawisleyda oo is garabsanaya.
Warar ku waxay intaasi ku darayaan in labada dhinacba uu khasaare ka soo gaaray dagaalkaani maalinta socday xili saraakiil u hadashay macawisleyda iyo dowlada ay guulo ka sheegteen dagaalka oo ahaa mid aad u cuslaa.
Saraakiisha waxay tilmaameen inay dib isaga riixeen alshabaabkii weerarka soo qaaday islamarkana dagaal yahano badan ka dileen.
Dhanka kale Alshabaab wax war kama soo bixin xili la hadla hayo in dagaalka saaka ay soo qaadeen ay ku doonayeen inay ku qabsadaan deegaanka Mubaax balse ay u suurayageli waysay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
