Wararka ka imaanaya saakay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo dagaal ku bilaawday Deg deg ah.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu ka billowday saakay. Waxa uuna ka bilaawday halka loo yaqaano Beledunuur oo ku taalla galbeedka Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in dagaalkan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo warramayaa inuu ku baxay xiisadaasi, islamarkaana uu ciidamo geeyey goobta lagu dagaalamay. Waxaana dagaalkan uu ka bilaawday markii la isku qabsaday dhul.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here