Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, ayaa ka socda dhinaca bari ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waana markii labaad oo maanta gudaheed halkaasi dagaal ka qarxo.

Warar horudhac ah oo aanu helayno waxay sheegayaan in madaafiic lagusoo garaacay magaalada Laascaanood, walow aan la ogayn khasaaraha ka dhashay illaa iyo haatan.

Advertisement

Lama oga cidda dagaalka bilowday. Hase ahaatee, dhinacyada dagaalamaya ayaa ku sugan furimo aad isugu dhow. Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa inuu jiro khasaare labada dhinac soo kala gaaray.

Dagaalkaan ayaa kusoo aaday xilli garaadada SSC ay ka shirayeen sidii looga gudbi lahaa dilalka kusoo badanaya Laascaanood, kuwaas oo ay geysanayaan askarta qeybta ka ah dagaalka lagula jiro Somaliland.

Dagaalka Laascaanood ayaa noqday mid daba dheeraaday, iyadoo labada dhinac aanay wax natiijo ah ka gaarin colaadda u dhaxeysa. Sidoo kale baaqyada kala duwan ee loo jeediyay ayaanu waxba kusoo kordhin joojinta colaadda magaalada Laascaanood

Labada dhinac ayaa weli wada hub aruursi ballaaran, iyadoo jiida dagaalka ee labada dhinac lasoo dhoobay ciidamo aad u badan iyo gaadiid dagaal.

Previous articleRW Xamse” Waa in la helaa Garsoor Cadaalad ah”
Next articleDEG DEG: Koox hubeysan oo saakay dil ka gaystay Muqdishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here