Wararka Saaka laga helaayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Degmada Ow-dheegle ay weerar xooggan ku soo qaadeen dagaalamayaasha Alshabaab kaasoo saameeyn ku yeeshay meelo badan.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay si gaara u weerareen  xarumaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliay kuwaasoo iska caabin kala hortagay,dhawaqa rasaasta iyo madaafiicda dagaalka ayaa aad looga maqlayaa magaalada.

Advertisement

Dagaalka oo la isu adeegsanaayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa soo gaaray ilaa 7-da aroornimo wuxuuna bilowday 4-tii aroornimo,iyadoo kooxda Alshabaab dooneyso inay magaalada la wareegaan.

Sarkaal u hadlay ciidamada Dowlada ayaa xusay in dagaalka oo wali socda ay ciidamada Dowladu iska difaacayaan dagaalmayasha Alshabaab.

“waxay isku dayayaan kooxda Alshabaab inay soo galaan magaalada oo ay qabsadaan laakiin ciidamada qaranka ayaa ka hor taagan”ayuu yiri sarkaalkaasi  Ciidamada Alshabaab.

Dhanka kale Ciidamada Atmis ee ku sugan Ow-dheegle ayaa iyaguna bilaabay inay madafiic ku garaacaan meelaha ay is leeyihiin alshabaabka ayaa ka dagaalamaya mana aha markii ugu horeysay oo ay ciidamada Atmis adeegsadaan duqeymaha inkastoo dagaalka saaka aysan iyagu ku jirin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDhaqtar aano qabiil loogu dilay Gaalkacyo
Next articleMadaxweyne Cali Guud-laawe oo gaaray Deegaanada Nuur-Dugle iyo Maxaa Saciid+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here