WARSHEEKH (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalo Xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaasi saaka uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya dagaalamayaasha Alshabaab iyo ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa deegaanka.
Dagaalka ayaa ka dhashay markii Alshabaab ay duulaan ku soo qaadeen saldhig ciidsmada Dowladu ka waardiyeeyaan Magaalada warsheekh oo ku yaal meel wax yar ka baxsan Magaaladaasi waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo dinacyada soo kala gaaray walow aan warar sugan aan laga heyn tirada.
Kooxda Alshabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay weerarka soo qaadeen islamarkaana ay ku guuleysteen inay saldhiga ka qabsadaan ciidamada Dowlada walow dhanka Dowlada aysan warkaasi ka hadlin.
Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Dowladu iska caabiyeen weerarka kaga yimid dhanka Alshabaab kaasoo dareen cabsi geliyay dadka shacabka ah oo aad u maqlayay daryanka rasaasta iyo hubka labada dhinac is weydaarsanayeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
