HomeWarkiiDagaal u dhexeeya ciidamada Dowlada maleeshiyaad diidan dhul dowladu amartay in...

Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowlada maleeshiyaad diidan dhul dowladu amartay in laga baxo oo saaka Muqdisho ka qarxay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa saaka aroortii uu dagaal ka qarxay xaafada taribuunka ee Magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeya ciidamada Dowlada Somalia iyo Maleeshiyaad hubeysan oo diidan in dhulka garoonka horseed  ay shacabku ka baxaan markii Dowladu amartay in la baneeyo.

Dagaalka ayaa la isu adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana la soo sheegayaa in dagaalkaani sababa dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah , sidoo kale rasasta ayaa gaaraysa xaafadaha dadka shacabka ahi degan yihiin.

Nakeeshiyaadka ka soo horjeda ciidamada Dowlada ayaa la sheegayaa inay gubeen laba ka mid ah cagafyadii dowladu u adeegsaneysay bur burinta dhulkaasi Dowladu amartay in laga baxo.

Hay’adaha amanka Dowlada wali wax war ah kama soo saarin dagaalkaani khasaaraha badan gaystay walina socda iyadoo shacabka meesha ka dhaw ay aad ugu dhin qabaan is rasaaseynta socota.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -