BALAD-WEYNE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheehaya in halkaasi maanta uu ka dhacay iska hor imaad hubeysan oo sababay khasaare nafeed.
Dagaalkaani ayaa u dhexeeyay ciidamada Booliiska iyo maleeshiyaad hubeyan oo dadka deegaanka ah waxaana ku dhaawacmay dagaalkaasi Sarkaal Booliiska ka tirsan iyo qof shacab ah oo ka dhawadaa halka is rasaaseyntu ka dhaceysay oo ahayd xaafada buunda-weyn.
Sababta dagaalka dhalisay ayaa lagu sheegay kadib markii maleeshiyaadku hor istaageen qorshe lagu diyaarinayay dayac tir lagu sameyn doono laamiga ,waxaana goobta joogay injineero cabir sameynayay si dhawaan loo bilaabo dhismaha laami cusub oo la saarayo xaafada buunda-weyn.
Meleeshiyaadka waxaa la sheegay inay garab ka haleyeen ciidamada Milateriga Somalia ee ku sugan Magaalada Baladweyne ,wali maamulka Gobolka warbixin kama soo saarin is rasaaseyntaani maanta ka dhexmartay labadaasi dhinac.
Sarkaalka Booliiska ee dhaawaca uu soo gaaray oo magaciisa lagu sheegay Dhaqane Cabdullaahi Wehliye (Xiirane) ayaa ah sarkaal tababare ah kaasoo leyliyada cidamada marka tababarka la siinayo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
