MAHADAAY (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in xalay waqti danbe uu dagaal ka dhacay duleedka Magaaladaasi.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay Alshabaab iyo Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa deegaanka kadib weerar ka yimid dhanka Alshabaab.

Advertisement

Wararka horu dhaca ah ee la helaayo ayaa sheegaya inay labada dhinacba ay soo gaareen khasaare nafeed walow aan tira koob sax ah laga heyn.

Kooxda Alshabaab ayaa war kooban ay soo saareen waxay ku sheegteen inay weerar ku ekeeyeen saldhig ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Mahadaay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamo Booliis ah oo tababar uu uga socdo Akademiyada Booliiska+SAWIRRO
Next articleTaliyaha Booliiska oo ka hadlay qorshahooda sanadkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here