Dagaal xoogan oo o dhexeeya Ciiamada Dowada iyo Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inuu ka socdo deegaano Gobolka Muddug.
Dagaaladaan oo ka socda ayaa yimid markii ciidamada Dowlada iyo kuwa daraawiishta Galmudug ay weerar ku qaadeen Alshabaab ku sugnaa dhulkaasi oo howd ah.
Ciidamadaan isbahaysanaya ayaa dhowr jiho ka weeraray kooxda Alshabaab oo sida raadiyaha Dowladu sheegay xiligaas is urursi ku howlanaa.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta  C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in Alshabaab jab loogu geystay dagaalka inkastoo uusan si cad u sheegin inuu dhamaaday iska hor imaadku.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE,COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here