Dagaalka oo  u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya oo ka tirsan AMISOM iyo ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Jasiiradda Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Ciiddamada Jubbaland ee ku sugan halka loo yaqaan Afriik ee degaaanka Kudhaa, waxaana dagaalka ku biiray Ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka deganka ayaa waxaaa ay sheegeen in hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday dagaalka, sidoo kalena uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dagaalka kula wareegeen Saldhiga Ciidammada Jubbaland ee Afriik, walow aysan warkaasi weli ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

Degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab halka mararka qaar Ciidanka Kumaandooska DANAB iyo kuwa Jubbakand ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here