MAXAAS (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in galabta dagaal xooggan uu ka dhacay deegaan aad ugu dhaw Degmada Maxaas kaasoo u dhexeeyay dagaalamayaasha Alshabaab iyo Macawisleyda reer Hiiraan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in labada dhinac si dhaafsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, lagana maqlayay meelaha ku dhaw dhaw deegaankaasi dirirtu ka socotay.
Dagaalka wuxuu ka dhashay markii Macawiisleeydu duulaan ku qaadeen Alshabaab isku urursanayay goobta la isku helay kaasoo qiyaastii Magaalada Maxaas u jira 16 KM.
Mid ka mida hogaamiyayaasha macawisleyda ayaa saxaafada u sheegay inay 4 dagaalame ka dilen Alshabaab islamarkana ka saareen deegaanka ay ku weerareen oo sida uu sheegay saaka ay soo galeen xili dhufeysyana ay ku diyaarsanayeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
