BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Dagaalamayaasha Kooxda Alshabaab oo aad u hubebsyan ayaa la soo sheegayaa inay ku soo laabteen oo dib u qabsadeen Deegaanka Mooda-moode oo isku xira Magaalooyinka Baydhaba iyo Buur-hakaba.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda Alshabaab dib u bilaabeen jid gooyada ay gaadiidka lacagaha uga qaadaan, taasoo laga joojiyay markii dhawaan Ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwa deegaanka ay xoog uga sareen halkaasi.
Dagaalamayaasha Alshabaab waxay ka jaanis ka heleen markii ciidamada Dowlada gaar ahan kumaan dooska Gor-gor ee Alshabaab ka saaray wadadaasi dhawaan loo daabulay dhanka Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle halkaasoo Dowladu ka wado dhaq dhaqaaqyo  ka dhan Alshabaab.
Dib ugu soo laabashada Kooxda Alshabaab deeganada isku xira Baydhaba iyo Buur-hakaba ayaa waxaan jirin ka dhigay guul dhawaan Dowladu sheeganeysay taasoo ahayd inay fureen wado in ka badan 20 sano xirneyd islamarkaana hada si caadi ah Baydhaba ilaa Muqdisho la isaga dhex gooshi karo si nabad ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
