Dagaalyahanada Xuutiyiinta Yeman ayaa weerar waxay ku qaadeen Markab xamuul oo Mareykanku leeyahay kaasoo marayay Badda gacanka Cadmeed.

Dagaalyanada ayaa warbaahintu dunidu warinayaan inay markabka Mareykanka la heleen gantaal nooca baalistiga ah kaasoo culeys badana siday.

Advertisement

Taliska Mareykanka ayaa shaaciyay in Markabka oo lagu magacaabo Gibraltar Eagle uusan wax dhibaato ah ka soo gaarin gantaalka ay ku dhufteen Xuutiyiinta.

Markabkaan oo waday biro ganacsi ayaa marka la weeraray 160 kilo mitir ka baxsanaa xeebaha gacanka cadmeed sida ay sheegtay Shirkadda maraakiibta ee Eagle Bulk Shipping.

Xuutiyiinta waxay hore u sheegeen inay dagaalka badda u bilaabeen si ay culeyska uga yareeyaan walaalahooda  Gaza lagu xasuuqayo maalin kasta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleQodobada Diinta Islaamka ka hor imaanaya ee shalay lagu celiyay Xukuumada Dan-qaran
Next articleDr. Cabdiraxmaan Baadiyoow “ Heshiiska is-afgaradka ee Abiy Axmed iyo Muse Biixi galeen waxay kala kulmi doonaan wajigabax iyo mustaqbal mugdi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here