Duqeymaha iyo hadalada hawada ay isku marinayaan Xoogaga Islamiyiinta Xisbullah iyo Israa’iil ayaa meeshii ugu xumaaday soo gaaray waxaana aad looga cabsi qabaa in waji kale ay yeelato xiisada ka jirta xuduuda Lubnaan iyo Isra’iil.
Dagaalada Goos goos-ka ah ee Xisbullah iyo Isra’il ayaa hada la soo sheegayaa inuu qarka u saaran yahay inuu isu badalo mid toos ah oo gacmaha la isula tago.
Dhanka Yuhuuda ma jecla inay mar kaliya aagag isku furaan, waxay aad uga helaan inay carabta deriska la ah yar yareystaan oo midba mar curyaamiyaan milateri ahaan.
Xiisadda colaadeed ee hada laga soo sheegaayo xadka labadaasi dhinac ayaa kasii dareysa,waxaana sii kordhaya khasaaraha nafeed ee kala gaaraya labada dhinac taasoo ay u sii dheer tahay hanjabaadaha afka ah ee hawada la isu marinayo.
Khudbadii jimcihii hore uu jeediyay hogamiyaha Xisbullaah ayaa ahayd mid siyaasadeed wuxuuna iska ilaaliyay sida reer galbeedku rabeen oo ahayd inuu weerar sheegto iyo waliba waqtiga ay fulinayaan,wuuna cadeeyay in qorshahoodu si qarsoon uu ku socon doono taasoo dhabar jab ku noqotay reer galbeedka oo tageera Yuhuuda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM