HomeWarkiiDagaalamayaasha Alshabaab oo weerar ku soo ah Deegaanka Wargaadhi iyo ciidamada Dowlada...

Dagaalamayaasha Alshabaab oo weerar ku soo ah Deegaanka Wargaadhi iyo ciidamada Dowlada oo difaac ku jira

CADDALE  (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Wargaadhi oo hoos taga Degma Xeebeedka Caddalle ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay ku soo wajahan yihiin degaankaasi.

Wararka ayaa tilmaamaya Alshabaab isasoo urursaday oo ka yimid bariga Hiiraan ay soo dhoobteen duleedka Deegaanka Wargaadhi waxaana la sheegay inay qorsheynayaan inay qabsadaan walow ciidamo badan oo Dowlada iyo macawisleyda inay gacanta ku hayaan.

Saraakiil u hadashay ciimada Dowlada ee Wargaadhi ku sugan ayaa sheegay inay ka war hayaan dhaq dhaqaaqa Alshabaab islamarkaana ay u diyaar garoobeen sidii ay isaga difaaci lahaayeen hadii ay Alshabaabku isku dayaan inay dhankooda soo aadaan.

Deegaankaani Wargaadhi waxaa lagu xasuustaa dhowr bil ka hor markii Alshabaab ay qabsanayeen Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali-gaduud inay ku jabeen weerarkii ay sidaas oo kale rabeen inay ku qabsadaan Wargaadhi waxaana ku sugan ciidamadii difaacay xiligaasi ee jilbaha u aastay kuwasoo isugu jira ciidamada Milateriga Somalia iyo kuwa deegaanka oo iskaashanayay.

XAFIISKA WARARKA SIYASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -