Dagaalame ka tirsan Alshabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed.
Dagaal-yahankaan oo lagu magacaabo Caddow Xassan Cabdi Cali ayaa la soo xiriiray sirdoonka Maamulka Koonfur-galbeed ee ku sugan Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool. Kadibna isku isku soo dhiibay.
Caddow wuxuu la soo goostay qori AK47 iyo qasnadihiisa isagoo saxaafana u sheegay inuu uga soo tagay markii uu ogaaday dhagartooda sida uu warka u dhigay.
“Waxaan ku biiray sanadkaan 2023 hadana waxaan go’aansaday inaan ka faa’iideysto cafiska loo fidiyay qofkii ka soo goosta Alshabaab”ayuu yiri dagaalamahaasi.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here