Ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa deegaanka NO50 ee Gobolka Shabeelaha hoose waxay ku qabten dagaalame ka tirsan Alshabaab.

Ninkaan Alshabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabo Fu’aad Aadan Cabdi ayaa la qabtay xili uu watay moto laba luaaleey islamarkana uu ka yimid dhanka Magaalada Muqdisho oo howlo caafimaad uu u aaday.

Advertisement

Fu’aad ayaa ka tirsan Jabhad ka howlgasha deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeelaha hoose sida ay sheegeen saraakiisha NISA ee gacanta ku heysa.

Fu’aad wuxuu kaga soo biiray Alshabaab Gobolka Hiiraan isagoona tababar ciidan ku qaaday Gobolada Jubooyinka.

Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta Dowlada waxay u sheegeen inay qabteen isagoo isku dayay inuu baxsado islamarkaana ay garaafo yar gacanta ka soo gaartay intii la bursanaayay.

Fu’an Aadan Cabdi oo uu wareystay Tvga Dowlada ayaa sheegay inuu Xamar u aaday howlo caafimaad markii jiro uu ka qabay dhagta loo sheegay inay qaliin tahay islamarkaana uu iska soo daweeyay.

“saaxiibadeey ayaa I dheheen waa caadi waad isa soo daweyn kartaa oo magaalada waad aadi karta anigana ma is dhaheyn waa lagu qabanaa“ayuu yiri Fu’aad Aadan Cabdi

Dhanka kale Gudoomiyaha Deegaanka NO50 Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada ku bogaadiyay  sida ay u soo qabteen ninkaasi Alshabaab ka tirsan isagoo xusay inaysan ahayn markii ugu horeysay oo ay ciidamada NISA sameeyan howlgal nuucaan ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here