HomeWarkiiDagaalame ka tirsan Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada ee Xarardheere

Dagaalame ka tirsan Alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada ee Xarardheere

Khawaarij ka tirsanaa maleeshiyada argagixisada ayaa isku soo dhiibay ciidamada deegaanka ee ka howlgala degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ninka isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Najiib ayaa sheegay inuu muddo ku jiray safka Khawaarijta, Balse markii uu ka daalay nolosha adag ee Khawaarijta ku nool yihiin iyo cadaadiska howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayuu go’aansaday inuu isa soo dhiibo.

Najiib ayaa iska soo dhiibay deegaanka Tawar Mooge, oo qiyaastii 35 km waqooyiga ka xiga degmada Xarardheere.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada deegaanka, Maxamed Cali Shire, oo la hadlay Idaacadda Ciidamada, ayaa sheegay in isa soo dhiibidaasi ay mar kale caddeyneyso in Khawaarijtu ku jiraan xaalad burbur iyo jahawareer, islamarkaana shacabka iyo dhalinyarada ay ka go’day beentii iyo marin-habaabintii ay ku qasbi jireen.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa shacabka ugu baaqay in ay Khawaarijta iska diidaan, ayna ku soo biiraan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -