Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay madaafiic ku garaacay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, xili halkaasi ay ku sugan yihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa Dowlad Goboleedyada oo shalay gaaray magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaafiic ay ka dhasheen khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Dhuumsareeb.

Inta la ogyahay Afar qof oo mid kamid ah uu yahay Askari ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa  ku dhaawacmay weerarka.

Ciidamada ammaanka ayaa saakay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadaan duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here