HomeWarkiiDagaalka Dalalka Tayland iyo Cambodia oo galay maalintiisa labaad

Dagaalka Dalalka Tayland iyo Cambodia oo galay maalintiisa labaad

Dagaalkii ka dhex qarxay dalalka Tayland iyo Cambodia ayaa galay maalintiisii labaad kaasoo xoogiisu ka socdo xuduuda labada dal ,waxay isu adeegsanayan hub u badan madafiicda waa weyn si dal kasta kan kale dhibaato u gaarsiiyo.

Dagaalkaan waxaa ku dhinteen ilaa 15 qof – oo u badan rayid halka tira intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Raiisel wasaaraha Cambodia Hun Manet ayaa sheegay in uu taageeray soo jeedinta gobolka ee xabbad joojinta laakiin Thailand ayaa la laabatay taageeradeedii hore ee qorshaha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Thailand ayaa sheegay in waddanku uu jecel yahay in xal laba geesood ah laga gaaro iska horimaadka hubaysan ee sii kordhay ee Cambodia kala dhexeeya.

Ku-simaha Raiisel wasaaraha Thailand Phumtham Wechayachai ayaa ka digay dagaalka Cambodia, wuxuuna sheegay inuu horseedi karo dagaal ba’an laakiin wuxuu raaciyay, in dagaalku ku egyahay oo kaliya isku dhacyo.

In ka badan 150,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku barakaceen labada dhinac ee xuduudka Thailand iyo Cambodia, iyadoo dadka deegaanka ay magangelyo u raadsadeen meelaha ay is leeyihiin waad ku nabad geleysaan.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -