XIGASHO LAACIB.NET
Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay sameyso ku dhawaaqis weyn oo la xiriirta mustaqbalka Vinícius Júnior, kaddib markii la sheegay in wakiilka xiddiga reer Brazil uu u bandhigay afar kooxood oo waa-weyn.
Vini Jr ayaa bilooyinkii u dambeeyay ku jiray xaalad muran iyo cadaadis ah, iyadoo ciyaaryahanka 25-jir ah uu galay khilaaf qandaraas oo sii kululaaday, gaar ahaan kaddib markii uu hoos u dhacay doorkiisii xiddignimo tan iyo imaanshihii tababare Xabi Alonso.
Warar ka imanaya Spain ayaa sheegaya in wakiilka Vini Jr uu la xiriiray kooxo waaweyn, isla markaana Real Madrid ay heleen laba dalab oo ka badan €100 milyan oo euro. Dalabyadaas ayaa la rumeysan yahay inay ka yimaadeen Manchester United iyo Chelsea.
Inkasta oo ay jirto xiisad u dhaxeysa Vini Jr iyo Xabi Alonso, haddana maamulka Real Madrid ayaa diyaar u ah inay garab istaagaan ciyaaryahanka, iyagoo doonaya inay la galaan qandaraas cusub.
Sida ay sheegtay Radio Marca, heshiiska cusub ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo “waqti dhow”.
Lama oga muddada uu noqon doono heshiiskaas, maadaama ay jireen hadallo sheegaya in Vini Jr xitaa uu saxiixi karo heshiis hal sano ah oo keliya, si loo ilaaliyo danaha dhaqaale ee Real Madrid haddii xiriirka uu la leeyahay Alonso uu sii xumaado.
Heshiiska hadda ee Vini Jr wuxuu dhacayaa dhammaadka Juun 2027, taasoo cadaadis saaraysa Real Madrid inay go’aan degdeg ah ka gaarto mustaqbalkiisa. Haddii uu galo xilli ciyaareedka dambe isagoo aan qandaraas cusub haysan, waxaa jiri karta khatar ah inuu baxo isaga oo xor ah, taasoo noqon karta khasaare dhaqaale oo weyn.
Manchester United iyo Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay “miiska saareen wax ka badan €100 milyan” si ay u helaan ciyaaryahan ay aaminsan yihiin inuu noqon karo “wajiga Premier League tobanka sano ee soo socda”.
Real Madrid ayaa weli ka fiirsanaysa inay ku iibiso qiimahaas iyo in kale, balse waxay diyaar u yihiin inay la fariistaan labadaas kooxood si ay uga wada hadlaan mustaqbalka Vini Jr, arrin la filayo inay sii ahaato mowduuc kulul ilaa laga sameeyo ku dhawaaqis rasmi ah oo qandaraas ah.
XIGASHO LAACIB.NET
