GAZA (DAYNIIILE.COM)-Warbaahinta Dunida waxaa si weyn looga hadal hayaa awooda dagaalyahanada Xamaas oo sidii loo maleynayay ka sii awood badan xili Yuhuudu quus ka joogto dagaalka Gaza islamarkaana uu wareer badan ka heysto.

Waxaa jira warar badan oo been ah oo Milatariga Israa’iil ku celceliyeen taasoo ahayd inay soo afjarayan dagaalka,inay iyagu maamulayaan gaza iyo sidoo kale inay godadkii Xamaas la wareegeen.

Advertisement

Asuubac wuxuu noqday asbuuc aan u wanaagsaneyn milatariga Israa’iil waxaana laga dilay ku dhawaad 15 askari laba maalin gudahood.

Sabtidii shalay oo u danbeysay 8 askari ayaa laga dilay,waxaana ka sii horeysay 5 kale kuwaasoo ay dileen dagaalyahanada Xamaas.

arinta la yaabka leh ayaa ah iyagoo wata hubkii dunida ugu casrisanaa dhamaantood ay taangiyo ku wada hoos dhuumanayaan xilininta badana ay iska ilaaliyaan  dagaalada fool ka foolka ah ayaa hadana sidaas loo dilaa,waxaa is weydiin leh hadii ay caadi uga hor imaadaan Xamaas malaha midba kama hareen.

Xaaladdu waxay mareysaa in runta laga sheego dagaalka Gaza oo ah  in ciidamada Israel aysan gacanta ku hayn Gaza.

Sida wariyayaasha Aljazeera ka soo tabinayaan Ramallah, Daanta Galbeed ee la haysto 13-ka askari ayaa jimcihii iyo sabtidii shalay la kala dilay,iyadoo 5 askari la dilay Jimcihii, halka 8 kalana  Sabtidii la dilay,waxay ciidammada Israa’iil u ahayd usbuuc dhammaadka toddobaadka oo ku adag Gaza.

Afhayeenka Yuhuuda ayaa sheegay in Siddeedda askari ee ka  dhintay Sabtidii, qaarkood lagu dilay gantaallo la hagayay. qaar kalana gantaallo lagu tuuray, halka qaarna lagu dilay wrasaas  la isku weydaarsaday marinka Qaza.

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Yoav Gallant ayaa shegay in dagaaladu  sii socon karaan ilaa Febraayo ka hor intaysan bilaabin inay u gudbaan marxalad cusub waa sida uu hadalka u dhigay taasoo muujineysa sida ay quusta u joogaan xili uu sheegi jirey inay maalmo ku qabsanayaan Gaza.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWiilka Falastiiniga ah ee geeridiisa ka dib ay u rumowday riyadiisii ahayd inuu caan ka noqdo YouTube-ka
Next articleDEG DEG: Nin Dil ka geystay Nairobi oo Muqdisho lagu qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here