Dagaalka lagula jiro Qur’aanka Kariimka.

0

Dagaalka ka dhanka ah Diinta Islaamka ayaa aad ugu sii xoogeysanayo Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Dad badan oo aan ageyn xaqiiqda ka dambeyso Kufsiga ayaa qeyb weyn ka qaadanayo in la waayo arday xaadirta dugsiyada Qur’aanka iyo goobaha kale ee diinta lagu barto.

Maalin kasto, waxaa isoo gaarta warbixin sheegeysa in la kufsaday Gabar yar oo arday dugsi ah ama in la faro xumeeyay wiil arday ah waxaana falalkaas la sheegaa in ay ka dambeeyaan macalimiin dugsi.

Waan baaray in badan oo kamid ah ugu dambeynna waan waayaa xaqiiqada sheekada, mar iyo laba ma ahan inta jeer ee aan maqlay kadibna aan waayay war sugan oo bulshada lala wadaago.

Taas badalkeeda waxaan si hordhac ah u helay in ay jiraan shaqsiyaad lacag ku qaata in ay warar been ah oo kufsi ah magaalada soo geliyaan, in la sharaf dilo macalimiinta si aan loo aadin dugsiyada una dhunto kalsoonida waalidiinta si aan loo baran Qur’aanka iyo guud ahaan waxbarashada diiniga ah.

Wali ma maqashay Macalin Iskuul ayaa gabar kufsaday? Ma maqashay xanaano ayaa gabar ama wiil lagu xumeeyay? Sababta loo beegsanayo dugsiyada waa dagaal ka dhan ah diinta Islaamka.

Dad badan ayaa jiro oo lacag ku qaata in ay falkaas sameeyaan waxaana qaarkood lacagta loogu daraa in laga hor istaago xukun kasta oo laga gaari karo sida ay iisheegeen Xildhibaano ka tirsan guddiga xuquuqul Insaanka ee BFS.

Walaalayaal been ma ahan kufsi waa jiraa lkn uma jiro sida loo sheegayo. Fadlan ku baraaruga in dalka ka socdo dagaal weyn oo ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan.

Wararka ugu badan waxey sheegayaan inuu jiro xiriir ka dhaxeeyo wararka kufsiga iyo xeer baarlamaanka horyaalo oo ay gadaal ka riixayaan reer Galbeed.

Fadlan haka qeyb qaadan dagaalka lagula jiro barashada Qur’aanka iyo kalsooni darrada laga dhax abuurayo waalidiinta, ardayda iyo macalimiinta dugsiyada. Aad isaga hubi wararka kufsiga, haddii aadan adiga hubin haka hadlinâť—

Hussein Abdulle Mohamed

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here