BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Khasaare nafeed ayaa ka dhashay dagaalka saaka aroortii ka qarxay Magaalada Baydhaba kaasoo u dhexeeya Ciidamada Dowalada iyo Kuwa Koofurgalbeed oo iskaashanaya iyo kuwa weerarka soo qaaday ee taabacsan C/casiis Laftagareen oo ah Madaxweyniii hore ee Koofurgalbeed.
Dagaalka wuxuu saameyn ku yeeshay xaafadaha qaar markii basuuke la isla dhacay iyo rasaasta darandooriga u dhaca iyadoo shacabka kuwa taagta daran sida caruurta iyo dumarka ay ay aragagax ka qaadeen dagaalka aroor hore hudada looga kacshay.
Ciidamada Laftagareen waxay ku guuleysteen inay gudaha u galaan oo qabsadaan xaafadaha qaar inkastoo iska xoogan ay kala kulmeen ciidamada Darawiishta Koourgalbeed iyo kuwa Dowlada Faderaalka oooo iskaashanaya.
Muuqaalo iyo sawiro laga helay aagaga dagaalka ayaa muujinaya ciidamada aadka u hubeysan ee Laftagareen oo ka dhex dagaalamaya Magaalada Baydhaba inkastoo markii danbe la jabiyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
