Xudur (dayniiile.com)-Sida dhawaanba uu saxaafada u cadeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay bilaaabaan dagaalka Alshabaab ka dhanka ah wajigiisa labaad.

Wararka ugu danbeeya ee aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Xooga Dalka oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur-galbeed ay gacanta ku dhigeen shalay tuulooyin dhowr ah oo hoos taga Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Advertisement

Talaabadaan ayaa ka danbeysay weerar ay qaadeen ciidamadaasi mana la soo sheegin wax iska caabin saas u weyn ay kala kulmeen Alshabaab.

Saraakiisha Hogaamineysa Ciidamadaan duulaanka qaaday ayaa warbaahinta u sheeeen inay  ka saareen Alshabaab deegaano dhowr ah oo hoos taga Degmada Xudur oo ay hore u go’doomiyeen Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here