Inkastoo saaka subaxnimadii hore dagaalka ka dhacay duleedka Warsheekh uu iskiis u istaagay ayaa hadana wararka ugu danbeeya aan heleyno waxay sheegayaan inuu barqadii dib u soo laba kacleeyay oo sidii saaka uu ka yara adkaa kana waqti dheeraa.
Dagaalka Xoogiisa ayaa ah halka uu saaka ka dhacay hadana la isku laatay xerada ciidamada Xooga Somalia ku leeyihiin inta u dhaxaysa Degmada Warshiikh iyo Deegaanka Jabad godane.
Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay xoogaa ku gacan sareeyeen dagaalamayaasha Alshabaab balse dagaalka danbe ee barqadii ciidamada Dowladu dhaqaaq wanaagsan sameeyeen iyagoo si wanaagsan u riixay alshabaab, waxaana la isla aaday dhanka Deegaanka Jabad godane halkaasoo dagaalku ku soo dhawaaday duhurnimadaan inkastoo uu yara istaagay mar kale.
Wararka waxay tilmaamayaan in ciidamada Milateriga gurmadyo heleen sidaasna qebihhii danbe dagaalka guulaha ay ku gaareen iyagoo xeradooda ka dheereeyay kooxda Alshabaab,khasaara waxaa jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray in kastoo wali aan warar sugan laga heyn madaama wali xaalad dagaal lagu jiro.
Saraakiisha sar sare ee Milateriga Somalia wali kama hadlin dagaalkaani saaka aroortii soo bilowday ee ilaa barqadii soo gaaray.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
