HomeWarkiiDagaalkii Israa'iil iyo Xamaas ee Qaza oo heshiis laga gaaray

Dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas ee Qaza oo heshiis laga gaaray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen wejigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee dhulka marinka Gaza ee reer Falastiin halkaasoo dad badani ku geeriyoodeen kadib kadib duqeymo arxan daro ah oo kaga imaanayay Yuhuuda.

Qatar,Masar iyo Mareykanka ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay dhexdhexaadi ka dhex wadeen dinacyada Xamaas iyo Yuhuuda,waxaana gogosha wada-hadalka ay taalay walina taalaa Magaalada Qahira ee Xarunta Dalka Masar.

Heshiiska la gaaray wajigiisa koowaad ayaa ah xabad joojin iyo in n Maxaabiis la is weydaarsado kadib ayaa loo jiheysan doonaa maamul u sameynta Qaza.

Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay soo gebagebeysay heshiis dhigaya in la joojiyo dagaalka Gaza, ka bixitaanka Qaza ee ciidamada Israa’iil iyo kuwooda laftigooda si nabad loo gaaro .

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu isugu yeerayo dowladdiisa Khamiista si ay u ansixiyaan heshiiska xabbad joojinta ee Gaza, isagoo ku daray hadal uu soo saaray oo ah maalin weyn inat u tahay Israa’iil.

Si kastaba mudadii laba sano ee dagaalku socday waxaa lagu dilay Qaza
ugu yaraan 67,183 qof waxana ku dhaawacmay 169,841 tan iyo bishii October 2023.

Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos aasan yihiin burburka dhismayaal burburay. Wadarta 1,139 qof ayaa laga dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weeraradii Oktoobar 7, 2023, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof oo israa’iiliyiin ah.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -