Caawa Dagaalkii ugu xooganaa ayaa salaadii Maqrib kadib ka bilaawday guriga hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaas oo ku yaalla agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan

Sida ay sheegeen .Goobjoogayaal ku sugan agagaarka KM4 dagaalku ayaa hakad ku yimid, maadaama ay tahay Xili Danbe oo ay ku sii socoto saacada lixsaac Habeenimo, balse wali waxaa la maqlaya rasaas goos goos ah.

Waxaa isgoysyada qaar lagu arkayaa gawarida gaashaaman, oo ay leeyihiin Ciidamada milatariga Soomaaliya oo ku sugan isgoyska KM4.

Sidoo kale Waxaa halkaas goor sii horreysay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidammada dowladda iyo kuwa taabacsan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray.

Dhinaca kale lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaas, waxaana halkaas ka dagaalamaya Ciidamo ay kala hogaaminayaan Col Farxaan qaroole, iyo Kamiin oo dhinac ah iyo Ciidamo uu Hogaaminayo Jeneraal indha Cadde,

Dagaallada caawa ka qarxay Muqdisho ayaa ku faafay goobo badan, sida isgoysyada Dabka, Shaqaalaha iyo KM-4 ee wadada Maka Al-Mukarama illaa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin, waxaana la isku adeegsaday hub culus.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here