HomeWarkiiDagaalkii Muqdisho oo soo dhamaaday iyo Ciidamada Haramcad oo la wareegay goobihii...

Dagaalkii Muqdisho oo soo dhamaaday iyo Ciidamada Haramcad oo la wareegay goobihii lagu dagaalamayay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa gabi ahanba soo dhamaaday dagaal qaatay 9 saacadood kasoo u dhexeeyay ciidamada Booliiska iyo dad shacaba oo diidanaa dhul Dowladu amartay inay ka baxaan shacabku kaasoo ay leedahay kooxda Horseed aadna ugu dhaw isgoyska taribuunka.

Sidaan xogta ku helnay dagaalka waxaa xalintiia iska kaashaday masuuliyiin Dowladeed,saraakiil ciidan iyo ganacsato si dhibaatadu u sii badan waxaa lagu guuleystay in xabada la joojiyo islamarkaana maleeshiyaadkii meesha ay isaga baxaan.

Guud ahaan xaafada Horseed ee awalba la isku hayay waxaa gacanta ku haya oo baaritaan ka wada ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, dagaalkaan ayaa sababay khasaare nafeed oo badan kaasoo shacab ,ciidan iyo maleeshiyaadba soo garay.

Lama oga sida Dowldu ka yeeli doonto maleeshiyaadkii goota ka dagaalmayay iyo waliba guud ahaan cid kasta oo masuul ka ahayd in awaamiirta Dowlada laga hor yimaado islamarkana uu dhaco dagaal dad shacaba iyo ciidamo Dowladeedba ay ku dhintaan kuwa kalana ay dhaawacmaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -